Maxkamad ku taal Hindiya oo 44 Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa’in oo la xiriira burcad-badeednimo

0

Mumbai – Maxkamad gaar ah oo ku taalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya ayaa 44 muwaadin oo Soomaali ah ku xukuntay xabsi daa’in, kadib markii lagu helay dambiyo la xiriira burcad-badeednimo iyo afduub maraakiib ka dhacay biyaha ka baxsan Geeska Afrika. Sida lagu sheegay xukunka maxkamadda, eedeysaneyaasha ayaa ku lug lahaa laba dhacdo oo kala duwan oo ay ku afduubteen markab xamuul iyo markab kalluumeysi, iyagoo qafaashay shaqaalihii saarnaa ka hor inta aysan ciidamada badda ee Hindiya soo faragelin, uuna dhammaaday afduubka sannadkii 2024.

 

Intii ay socotay dacwadda, dhammaan 44-ka eedeysane ayaa qirtay dambiyada loo haystay, waxaana maxkamaddu Isniintii ku ridday xukun xabsi daa’in. Garsooraha kiiska, SB Dige, ayaa sheegay in falalka burcad-badeednimada ee lagu afduubo maraakiibta, laguna haysto shaqaalaha si madax-furasho looga helo iyadoo loo adeegsanayo gaashaan bani’aadamnimo, ay yihiin dambiyo culus oo aan loo dulqaadan karin.

Kiiska koowaad ayaa la xiriiray weerar bishii Diseembar 2023 lagu qaaday markabka xamuulka ee MV Ruen, oo watay calanka Malta, kaas oo ay ku lug lahaayeen 35 Soomaali ah. Kiiska labaadna wuxuu ku saabsanaa afduubkii bishii Maarso 2024 loo geystay markabka kalluumeysiga Al Kambar, oo watay calanka Iiraan, kaas oo ay ku eedeysnaayeen sagaal qof oo Soomaali ah. Eedeysaneyaasha, oo tan iyo sannadkii 2024 ku xirnaa xabsiga Taloja ee magaalada Navi Mumbai, ayaa maxkamadda ka codsaday in dib loogu celiyo Soomaaliya si halkaas loogu maro habraacyada sharciga, balse codsigaasi ma beddelin xukunka lagu riday.

Burcad-badeednimada xeebaha Soomaaliya ayaa si weyn u baahday sanadihii 2000-meeyadii, iyadoo weerarradii ugu badnaa la diiwaangeliyay sanadkii 2011. Hase yeeshee, howlgalada ciidamada badda ee caalamiga ah iyo tallaabooyinka amni ee maraakiibta ganacsiga ayaa si weyn u yareeyay khatartaas sanadihii xigay.

Ciidamada badda ee Hindiya ayaa howlgalo ka waday biyaha ku dhow Soomaaliya tan iyo 2008-dii, waxaana la xoojiyay hawlgallada ka dhanka ah burcad-badeedda dabayaaqadii 2023, kadib markii dib ay u soo kordheen weerarrada ka dhacay Badda Carabta iyo marin-biyoodka Badda Cas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here