Ciidamada dab-damiska oo damiyay dab xooggan oo ka kacay Suuqa Bakaaraha

0

Muqdisho – Ciidamada Dab-damiska iyo kooxaha gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay inay damiyaan dab xooggan oo maanta ka kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

 

Masuuliyiin ku sugnaa goobta ayaa sheegay in dabka la xakameeyay kadib hawlgal gurmad oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada dab-damiska, ganacsatada iyo shirkado gaar loo leeyahay oo ka qeyb qaatay daminta dabka. Dabka ayaa geystay burbur soo gaaray goobo ganacsi iyo hanti kale, inkastoo aan weli la shaacin tirada saxda ah ee khasaaraha ka dhashay.

Hay’adaha ay khuseyso ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta rasmiga ah ee keentay dabka, iyadoo sidoo kale ay socdaan qiimeyn lagu ogaanayo baaxadda khasaaraha soo gaaray hantida ganacsatada. Mas’uuliyiinta ayaan weli soo saarin warbixin rasmi ah oo faahfaahin ka bixineysa heerka khasaaraha ama haddii ay jiraan dad ku dhaawacmay ama ku geeriyooday dhacdada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here