Muqdisho – Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), iyo Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaaradda, Xamza Aadan Xaadow, ayaa maanta qaabilay Maareeyaha Bangiga Adduunka ee Soomaaliya, Hideki Matsunaga, iyo wafdi uu hoggaaminayay.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Kooxda Bangiga Adduunka, gaar ahaan taageerada mudnaanta horumarineed ee dalka.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta hay’adaha dowladda, isdhexgalka gobolka iyo horumarinta diblomaasiyadda dhaqaalaha.
Mas’uuliyiinta ayaa sidoo kale isla qaatay in la sii xoojiyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, si loo taageero kobaca dhaqaalaha, horumarka iyo barwaaqada shacabka Soomaaliyeed.
Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka ay la leedahay hay’adaha maaliyadeed ee caalamiga ah si loo helo taageero ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.




