Soomaaliya iyo South Korea oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga amniga

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Amniga Gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Jeneraal Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), ayaa maanta kulan la yeeshay Safiirka Kuuriyada Koonfureed ee Soomaaliya, Kang Hyung-shik, kaas oo looga hadlay xoojinta iskaashiga amniga ee labada dal.

 

Kulanka oo ka dhacay xarunta Wasaaradda Amniga Gudaha waxaa Wasiirka ku wehliyay Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda, Jeneraal Sulub Axmed Firin, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Maxamed Shire.

Labada dhinac ayaa diiradda saaray iskaashiga Soomaaliya iyo Koonfurta Kuuriya ee dhinacyada amniga badda, horumarinta hay’adaha amniga, la-dagaallanka burcad-badeedda iyo tayeynta awoodda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, Ciidanka Ilaalada Xeebaha iyo Ciidanka Badda Soomaaliyeed.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyay tababarrada, is-weydaarsiga khibradaha iyo taageerada farsamo ee Koonfurta Kuuriya ay ka geysan karto horumarinta hay’adaha amniga Soomaaliya.

Wasiir Fartaag ayaa uga mahadceliyay Dowladda Koonfurta Kuuriya taageerada ay siiso Soomaaliya, isagoo xusay muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo iskaashiga labada dal si loo horumariyo amniga, nabadda iyo xasilloonida dalka.

Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ay ku xoojinayso xiriirka caalamiga ah ee dhinaca amniga iyo horumarinta awoodaha hay’adaha amniga qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here