Addis Ababa – Magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa lagu soo gebagebeeyay shirkii ugu horreeyay ee heer gobol ee Hindisaha Iskaashiga Istiraatiijiga ah ee Khaliijka iyo Afrika (Gulf–Africa Strategic Partnership Initiative – GASPI), kaas oo isugu keenay masuuliyiin heer sare ah, siyaasad-dejiyeyaal, khubaro iyo wakiillo ka kala socday dalalka Afrika iyo Khaliijka.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, ganacsiga, maalgashiga iyo maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada, iyadoo la isla eegay fursadaha lagu horumarin karo xiriirka dhaqaale ee labada gobol.
Soomaaliya waxaa shirka uga qayb galay Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya, ahna Madaxa Xoghaynta Hindisaha Geeska Afrika, Liibaan Cabsiiye, oo si firfircoon uga qayb qaatay doodihii ku saabsanaa sidii loo abuuri lahaa iskaashi miro-dhal ah oo u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka, kaas oo horseeda maalgashi waara, koboc ganacsi iyo iskaashi dhaqaale oo labada dhinacba faa’iido u leh.
Intii uu socday shirka, Agaasimaha ayaa carrabka ku adkeeyay in dowladaha Afrika ay muhiim tahay inay si cad u qeexaan himilooyinkooda iyo mudnaantooda horumarineed si ay u soo jiitaan maalgashiga iyo raasumaalka dalalka Khaliijka. Waxa uu xusay in maalgashiga loo baahan yahay uu yahay mid taageera horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, adkeysiga bulshada iyo deegaanka, kobcinta xirfadaha shaqaalaha iyo horumarinta awoodda aadanaha heer qaran, heer gobol iyo heer qaaradeed.
Waxa kale oo uu tilmaamay in maalgashiga Afrika uu u baahan yahay iskaashi ku dhisan kalsooni, dulqaad iyo aragti fog, si loo xaqiijiyo natiijooyin waara oo wax ku ool u ah dhammaan dhinacyada.
Dhanka Soomaaliya, Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Iimaan Cige, oo ah Guddoomiyaha Hindisaha Geeska Afrika, ayaa xaqiijiyay in Soomaaliya ay sii wadi doonto la shaqeynta dhammaan dalalka xubnaha ka ah hindisaha, si loo xoojiyo isdhexgalka ganacsiga gobolka, loo kordhiyo fursadaha maalgashiga gaarka loo leeyahay, loona dardargeliyo hirgelinta mashaariicda horumarineed ee socda iyo kuwa mustaqbalka.
Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaranka ee Isbeddelka Cimilada Soomaaliya ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyay muhiimadda maalgelinta dadaallada lagula tacaalayo saameynta isbeddelka cimilada. Wuxuu sheegay in isbeddelka cimiladu uu weli caqabado waaweyn ku hayo nolosha, dhaqaalaha iyo hab-nololeedka bulshada dalalka xubnaha ka ah Hindisaha Geeska Afrika, taas oo u baahan iskaashi iyo maalgelin waarta si loo xoojiyo adkeysiga bulshada loona yareeyo khataraha mustaqbalka.
Gabagabadii, Agaasimaha ayaa uga mahadceliyay hay’adaha ODI, Gravitas iyo Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya (Institute of Foreign Affairs of Ethiopia) qabanqaabinta shirka, isagoo ku tilmaamay madal muhiim u ah xoojinta iskaashiga istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Afrika iyo dalalka Khaliijka, isla markaana fure u noqon karta kobcinta ganacsiga, maalgashiga iyo horumar waara.



