Garoowe – Dowladda Puntland ayaa soo saartay warsaxaafadeed ay ku cambaareysay waxa ay ku tilmaamtay dhaqdhaqaaqyo ciidan oo uu wado Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud. Puntland waxay sheegtay in tallaabooyinkaas ay ujeeddadoodu tahay hurinta colaado iyo carqaladeynta nidaamka dowladnimada Puntland. Puntland ayaa caddeysay inaysan jirin ciidamo la yiraahdo PSF oo si sharci ah uga tirsan ciidamada difaaca Puntland, sidoo kalena aysan jirin ciidamo ka tirsan Dowladda Federaalka oo ka howlgala deegaannadeeda.
Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale digniin loogu diray Dowlad-goboleedka Galmudug, iyadoo Puntland ugu baaqday inay ka fogaato taageeridda ama martigelinta ciidamo iyo maleeshiyaad lagu soo uruurinayo duleedka magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay sheegtay in loo abaabulayo falal lagu dhibaateynayo shacabka reer Puntland.
Puntland waxay ku boorrisay Galmudug inay mudnaanta siiso deris wanaagga, iskaashiga amniga iyo ilaalinta nabadda muddada dheer ka jirtay magaalada Gaalkacyo, halkii ay qeyb ka noqon lahayd wax kasta oo keeni kara xiisad cusub. Ugu dambeyn, Dowladda Puntland ayaa ugu baaqday shacabka reer Puntland inay ilaashadaan midnimadooda, amniga iyo dowladnimada Puntland.



