Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed oo soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada

0

Baydhabo – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa magaalada Baydhabo si rasmi ah u soo xiray Shirka Banbaxa Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo socday muddo saddex maalmood ah, laguna falanqeeyay xoojinta dowladnimada, hoggaaminta hufan iyo tayeynta adeegyada bulshada.

 

Shirka waxaa ka qeyb galay xubnaha Golaha Wasiirrada iyo khubaro ka socday Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, iyadoo diiradda lagu saaray mideynta qorshayaasha shaqo ee dowladda, dardargelinta hirgelinta barnaamijyada mudnaanta leh, kor u qaadidda isla xisaabtanka, hufnaanta maamulka iyo xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha Dowladda Koonfur Galbeed.

Khudbaddii xiritaanka, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa ku bogaadiyay Golaha Wasiirrada doorkii firfircoonaa ee ay ka qaateen doodaha iyo qorsheynta muddadii uu shirku socday, isagoo xusay in qodobbada iyo go’aannada laga soo saaray kulanka ay saldhig u noqon doonaan dardargelinta waxqabadka dowladda iyo horumarinta adeegyada la gaarsiinayo shacabka Koonfur Galbeed.

Hoggaamiyuhu wuxuu faray dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda inay si mideysan u hirgeliyaan qorshayaasha lagu heshiiyay, isagoo adkeeyay in mudnaan gaar ah la siiyo adeegyada bulshada, horumarinta maamulka, sugidda amniga, kobcinta dhaqaalaha iyo xoojinta isla xisaabtanka. Shirkan ayaa qeyb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku doonayso inay sare ugu qaaddo isku-duwidda hay’adaha dowladda, tayeynta maamulka iyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed ee loogu adeegayo bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here