Soomaaliya oo ka qeyb gashay Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika

0

Addis Ababa, Itoobiya – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo ka socda magaalada Addis Ababa, iyadoo wafdiga Soomaaliya uu hoggaaminayo Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaam Cali (Dhaay).

 

Kalfadhigan ayaa sanadkan ku socda halku-dhigga “Sugidda Helitaanka Biyaha Joogtada ah”, waxaana diiradda lagu saarayaa xoojinta amniga biyaha, horumarinta kaabeyaasha biyaha iyo kor u qaadidda iskaashiga dalalka Afrika si looga jawaabo saameynta isbeddelka cimilada.

Inta uu socdo shirka, Soomaaliya ayaa soo bandhigaysa dadaallada ay ku horumarinayso helitaanka biyaha iyo adkeysiga bulshada, iyadoo iftiiminaysa mashaariic ay ka mid yihiin Mashruuca Barwaaqo ee Biyaha iyo Adkeysiga Reer Miyiga, iyo laba ceel biyood oo cusub oo ku shaqeeya tamarta qorraxda, kuwaas oo lagu ballaarinayo helitaanka biyo nadiif ah, gaar ahaan bulshada ku nool deegaannada miyiga.

Wafdiga Soomaaliya ayaa sidoo kale ka qeyb qaadanaya doodaha la xiriira dib-u-habeynta iyo xoojinta Guddiga Midowga Afrika, iyadoo adkeynaysa muhiimadda iskaashiga qaaradeed ee lagu hirgelinayo himilooyinka wadajirka ah ee Afrika iyo wax ka qabashada caqabadaha horumarineed ee horyaalla dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika.

Waxaa la filayaa in Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika laga soo saaro go’aanno iyo talooyin lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika, gaar ahaan dhinacyada horumarinta waarta, maamulka kheyraadka biyaha, adkeysiga isbeddelka cimilada iyo hirgelinta Ajendaha 2063 ee Midowga Afrika.

May be an image of one or more people and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here