Madaxweyne Xasan Sheekh oo qaabilay xubin ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka

0

Muqdisho – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Aqalka Madaxtooyada Qaranka ku qaabilay Xildhibaan Darin LaHood oo ka tirsan Aqalka Wakiillada Mareykanka, kaas oo booqasho shaqo ku yimid Soomaaliya.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka istiraatiijiga ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo laga wada hadlay iskaashiga dhinacyada amniga, la dagaallanka argagixisada, nabad-dhisidda, kobcinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta maalgashiga, si loo taageero horumarka iyo xasilloonida Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahadceliyay Dowladda iyo shacabka Mareykanka taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo carrabka ku adkeeyay sida ay dowladda uga go’an tahay sii xoojinta iskaashiga caalamiga ah iyo abuurista jawi amni oo ku habboon maalgashiga iyo kobaca dhaqaalaha.

Dhankiisa, Xildhibaan Darin LaHood ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ka sameysay dib u dhiska hay’adaha dowladda, xoojinta amniga iyo dagaalka lagula jiro kooxaha argagixisada. Waxa uu sidoo kale muujiyay sida ay uga go’an tahay sii adkeynta xiriirka saaxiibtinimo iyo iskaashiga u dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka.

Kulankan ayaa imanaya xilli Soomaaliya iyo Mareykanku ay sii xoojinayaan wada-shaqeyntooda dhinacyada amniga, horumarinta hay’adaha dowladda iyo dhiirrigelinta maalgashiga, iyadoo labada dal ay adkeynayaan iskaashiga ku aaddan nabadda iyo xasilloonida gobolka.

May be an image of dais and the Oval Office

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here