Addis Ababa – Kalfadhiga 49-aad ee Caadiga ah ee Golaha Fulinta Midowga Afrika (AU Executive Council) ayaa si rasmi ah uga furmay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka xubnaha ka ah Midowga Afrika ay uga arrinsanayaan qodobo istiraatiiji ah oo la xiriira horumarinta qaaradda iyo hirgelinta Ajendaha 2063.
Kalfadhigan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa sanadkan ku qabsoomaya halku-dhigga “Xaqiijinta Helitaanka Biyo Joogto ah iyo Nidaamyo Fayadhowr oo Ammaan ah si loo gaaro Ajendaha 2063,” waxaana diiradda lagu saarayaa horumarinta amniga biyaha, ballaarinta adeegyada fayadhowrka, iyo sidii loo xoojin lahaa adkeysiga dalalka Afrika ee wajahaya saameynta isbeddelka cimilada.
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Maxmoud Cali Yuusuf, oo furitaanka shirka khudbad ka jeediyay, ayaa sheegay in Afrika ay wajahayo caqabado isa soo taraya oo dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo siyaasadda ah, kuwaas oo ay sii xoojiyeen isbeddellada juqraafiyeed ee dunida. Wuxuu si gaar ah uga digay faafitaanka argagixisada iyo xagjirnimada rabshadaha wata ee qaybo ka mid ah qaaradda, isagoo dib u xaqiijiyay sida Midowga Afrika uga go’an tahay taageeridda dowladaha xubnaha ka ah la dagaallanka khatarahaas.
Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale uga mahadceliyay Guddiga Wakiillada Joogtada ah (PRC) iyo bah-wadaagta caalamiga ah doorkooda ku aaddan taageeridda barnaamijyada Midowga Afrika, isaga oo ku baaqay in la dardargeliyo ansixinta heshiisyada iyo qalabka sharci ee Midowga si loo xoojiyo awoodda hay’adaha qaaradda.
Guddoomiyaha Golaha Fulinta, ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Burundi, Danjire Édouard Bizimana, ayaa sheegay in xubinnimada Midowga Afrika ee G20 ay tahay guul taariikhi ah oo muujinaysa doorka sii kordhaya ee qaaraddu ku leedahay maamulka dhaqaalaha adduunka. Wuxuu ku baaqay in Afrika ay ku hadasho hal cod, isla markaana ay sii waddo dadaallada dib-u-habeynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyadoo la raacayo Heshiiska Ezulwini iyo Baaqa Sirte.
Dhankiisa, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya, Gedion Timothewos, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in Midowga Afrika uu noqdo hay’ad awood u leh inay bixiso xalal Afrikaan ah oo wax looga qabanayo caqabadaha qaaradda, isagoo xusay in madax-bannaanida dhaqaale, maamulka hufan iyo ka faa’iidaysiga kheyraadka Afrika ay yihiin tiirarka horumarka mustaqbalka.
Xoghayaha Fulinta ee Guddiga Dhaqaalaha Qaramada Midoobay u qaabilsan Afrika (UNECA), Claver Gatete, ayaa isaguna ku baaqay in Afrika ay kordhiso maalgelinta horumarinteeda iyadoo adeegsanaysa dakhliga iyo kheyraadka gudaha, si loo dardargeliyo warshadaynta, kobcinta wax-soo-saarka iyo hirgelinta Yoolalka Horumarinta Waara iyo Ajendaha 2063.
Inta uu socdo kalfadhigan, Golaha Fulinta ayaa sidoo kale dib u eegi doona warbixino la xiriira hirgelinta Ajendaha 2063, ka-qaybgalka Midowga Afrika ee G20, arrimaha maaliyadda, dib-u-habeynta hay’adaha Midowga Afrika, magacaabista xubnaha Guddiga Hanti-dhowrka Dibadda, iyo diyaarinta dokumentiyada loo gudbin doono Shirkii 8-aad ee Isku-dubbaridka Bartamaha Sannadka ee Midowga Afrika.
Kalfadhiga ayaa la filayaa inuu ku soo gabagaboobo 29-ka Luulyo, iyadoo la ansixin doono go’aanno iyo talooyin lagu xoojinayo iskaashiga dalalka Afrika, horumarinta kaabeyaasha biyaha, maalgelinta horumarka waara iyo dardargelinta hirgelinta himilooyinka Ajendaha 2063.




