Mandera – Ugu yaraan shan askari oo ka tirsan ciidamada ammaanka Kenya ayaa lagu dilay weerar loo aaneynayo kooxda Al-Shabaab, kaas oo ka dhacay deegaanka Wantey Dam ee ismaamulka Mandera, oo ku dhow xadka Soomaaliya. Sida ay sheegeen booliiska Kenya, askarta la dilay waxay ka tirsanaayeen cutubka gaarka ah ee Special Operations Group (SOG), kuwaas oo ku jiray howlgal roondo ah markii ay la kulmeen dagaalyahanno looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab.
Warbixin ay soo saareen booliiska ayaa lagu sheegay in iska horimaad hubeysan uu dhex maray labada dhinac, kaasoo sababay dhimashada shanta askari, halka ciidamada ammaanka ay billaabeen howlgal lagu baadi-goobayo kooxdii weerarka fulisay.
Intii uu socday howlgalka gurmadka, gaari gaashaaman oo ay wateen ciidamada ayaa waxaa haleelay qarax miino oo nooca IED ah, inkastoo booliisku ay sheegeen inaan qaraxaasi ka dhalan wax khasaare nafeed ah.
Gobollada waqooyi-bari ee Kenya, gaar ahaan Mandera, Wajeer iyo Gaarisa, ayaa muddo dheer wajahaya weerarro ay Al-Shabaab ka fuliso, kuwaas oo inta badan lagu beegsado ciidamada ammaanka, xarumaha dowladda iyo mararka qaar dadka rayidka ah.
Weerarkan ayaa imanaya iyadoo ciidamada ammaanka Kenya ay kordhiyeen howlgalada ka socda xadka ay la wadaagto Soomaaliya, si looga hortago weerarrada Al-Shabaab iyo dhaq-dhaqaaqyada kooxda ee gudaha Kenya.
Bilowgii sanadkan ayay sidoo kale booliiska Kenya sheegeen in Al-Shabaab ay weerar ka geysatay gobolka Gaarisa, halkaas oo lagu dilay oday dhaqameed iyo macallin, taasoo muujinaysa sii socoshada halista amni ee ka jirta gobollada ku dhow xadka Soomaaliya.



