Muqdisho – Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay falka lagu galay Masjidka Barakeysan ee Al-Aqsa, kaas oo uu hoggaaminayay sarkaal sare oo Israa’iili ah, isagoo ay wehliyeen kooxo xagjir ah iyo ciidamada ammaanka Israa’iil. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in tallaabadan ay tahay xadgudub cad oo ka dhan ah karaamada iyo xurmada mid ka mid ah goobaha ugu barakeysan Islaamka, isla markaana ay dhaawacayso dareenka malaayiinta Muslimiinta ah ee caalamka.
Soomaaliya waxay dib u xaqiijisay mowqifkeeda joogtada ah ee ku aaddan taageerada shacabka Falastiin iyo ilaalinta xaaladda taariikhiga ah iyo tan sharci ee goobaha barakeysan ee magaalada Qudus, iyadoo xustay doorkeeda xubinimo ee Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC).
Dowladdu waxay ugu baaqday beesha caalamka, gaar ahaan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, inay qaadaan tallaabooyin wax ku ool ah oo looga hortagayo falalka kicinta ah ee ka dhanka ah goobaha cibaadada, isla markaana la xaqiijiyo isla xisaabtanka cid kasta oo ku lug leh xadgudubyada noocan oo kale ah.
Sidoo kale, Soomaaliya waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada inay muujiyaan isxakameyn, kana shaqeeyaan dib u soo nooleynta wadahadallada siyaasadeed ee lagu gaari karo xal waara oo caddaalad ku dhisan, si waafaqsan sharciga caalamiga ah iyo qaraarrada Qaramada Midoobay.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale caddeysay inay garab taagan tahay shacabka Falastiin iyo xaqooda sharciyeed ee ay u leeyihiin inay dhistaan dowlad madax-bannaan, iyadoo taageertay hirgelinta xalka labada dowladood, kaas oo ay ku tilmaantay waddada ugu habboon ee lagu gaari karo nabad, amni iyo xasillooni waarta oo ka hirgasha Bariga Dhexe. Soomaaliya waxay sidoo kale adkeysay sida ay uga go’an tahay ilaalinta sharciga caalamiga ah, dhowrista madaxbannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalalka, iyo xallinta khilaafaadka iyadoo loo marayo wadaxaajood iyo xalal nabadeed.

![Ururka Migrare oo Dalbaday In Caddaalad loo Helo Abderrahim Fakir [Ku biir ololaha, saxiix PETITION-ka]](https://shabellemedia.com/wp-content/uploads/2026/07/jDGnJReZALisOPq-800x450-noPad-150x150.webp)


