Soomaaliya iyo Kenya oo yeeshay kulan laba geesood ah intii uu socday Shirka Golaha Fulinta Midowga Afrika

0

Addis Ababa, Itoobiya – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdisalaam Cali, ayaa kulan laba geesood ah la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Qurbajoogta ee Jamhuuriyadda Kenya, Mudane Musalia Mudavadi, intii uu socday Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka laba geesoodka ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya, iyadoo labada wasiir ay ka wada hadleen horumarradii ugu dambeeyay ee la xiriira arrimaha socdaalka iyo fududeynta isu-socodka muwaadiniinta labada dal.

Labada dhinac ayaa isku raacay in la xoojiyo iskaashiga iyo isku-duwidda arrimaha qunsuliyadaha, si loo horumariyo adeegyada loo fidiyo shacabka labada dal loona fududeeyo socdaalka iyo xiriirka bulshada. Sidoo kale, wasiirradu waxay dib u xaqiijiyeen sida ay uga go’an tahay sii ambaqaadidda iskaashiga istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Kenya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, amniga, iyo xasilloonida gobolka Geeska Afrika.

Kulankan ayaa qeyb ka ah wada-hadallada laba geesoodka ah ee ay mas’uuliyiinta Soomaaliya ka wadaan magaalada Addis Ababa, iyadoo barbar socdo Kalfadhiga 49-aad ee Golaha Fulinta Midowga Afrika, kaas oo diiradda lagu saarayo xoojinta iskaashiga dalalka Afrika iyo hirgelinta himilooyinka Ajendaha 2063.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here