Riyadh – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid noqotay dalalkii taageeray hindisaha cusub ee Sacuudiga ee lagu dhisayo isbahaysi caalami ah oo loogu talagalay xoojinta amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka muhiimka ah ee gobolka.
Hindisahan ayaa lagu shaaciyay shir ay magaalada Riyadh ku martigelisay Dowladda Sacuudiga, kaas oo ay ka qeyb galeen wakiillo ka socday 43 dal iyo Midowga Yurub. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah ee lagu sugayo amniga badda iyo ilaalinta isu socodka maraakiibta ganacsiga.
Soomaaliya ayaa ka mid ahayd dalalkii saxiixay bayaan wadajir ah oo lagu taageerayo dhismaha isbahaysigan, iyadoo ay la safatay dalal ay ka mid yihiin Jabuuti, Masar, Suudaan, Urdun, Qatar, Kuwait, Turkiga iyo Pakistan.
Isbahaysiga cusub ayaa xoogga saari doona ilaalinta amniga Badda Cas, Marinka Bab al-Mandab iyo Gacanka Cadmeed, oo ka mid ah marin-biyoodka ugu muhiimsan dunida, isla markaana ay maraan maraakiibta xambaarsan qayb weyn oo ka mid ah ganacsiga caalamiga ah.
Ka qeybgalka Soomaaliya ayaa muujinaya doorka istaraatiijiga ah ee ay ku leedahay amniga badda, maadaama ay leedahay xeebta ugu dheer Afrika isla markaana ay ku taallo meel muhiim u ah isu socodka maraakiibta caalamiga ah.
Shirka waxaa sidoo kale ka qeyb galay saraakiil sare oo ka socday Mareykanka, oo uu ku jiray Taliyaha Ciidamada Marines-ka ee Bariga Dhexe (MARCENT), Lieutenant General Joseph Clearfield, taas oo muujineysa taageerada caalamiga ah ee dadaallada lagu xoojinayo amniga Badda Cas iyo marin-biyoodka gobolka.
Hindisahan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan weerarrada lagu beegsanayo maraakiibta ganacsiga iyo kaabeyaasha muhiimka ah ee Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, arrintaas oo sare u qaaday walaaca laga qabo saameynta ay ku yeelan karto ganacsiga caalamiga ah iyo xasilloonida gobolka.




