Wasiirka Arrimaha Dibadda oo guddoomay waraaqaha aqoonsiga Danjiraha cusub ee Aljeeriya

0

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Cabdisalaam Cali, ayaa maanta ka guddoomay nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga (Letters of Credence) ee Danjiraha cusub ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Shacabka Aljeeriya u fadhiya Soomaaliya, Maxamed Alim, oo ah Danjire Aan Caadi Ahayn iyo Wakiil Awood Buuxda Leh.

 

Intii uu kulanku socday, Wasiirka ayaa si diirran u soo dhaweeyay danjiraha cusub, isagoo adkeeyay sida ay Dowladda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee kala dhexeeya Aljeeriya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay horumarinta iskaashiga laba geesoodka ah, iyagoo diiradda saaray ballaarinta wada-shaqeynta dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha, amniga iyo dhaqanka, si loo sii xoojiyo xiriirka iyo danaha wadajirka ah ee labada dal.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here