Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo shacabka Laascaanood la qaatay waqti

0

Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, oo booqasho shaqo ku jooga magaalada Laascaanood ee xarunta maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya, ayaa waqti la qaatay shacabka magaalada, isagoo ku soo wareegay goobaha ganacsiga, meelaha lagu caweeyo iyo waddada weyn ee magaalada.

 

Boqollaal qof ayaa isugu soo baxay waddooyinka iyo goobihii uu booqday Ra’iisul Wasaaruhu, iyagoo si diirran ugu soo dhaweeyay mashxarad iyo soo dhoweyn ballaaran intii uu socdaalka ku jiray.

Socdaalka Ra’iisul Wasaaraha waxaa ku weheliyay xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Hoggaamiyaha Waqooyi Bari Cabdiqaadir Axmed Aw Cali, iyo mas’uuliyiin ka tirsan warbaahinta dowladda iyo tan maxalliga ah.

Booqashadan ayaa qeyb ka ah safarka shaqo ee Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre uu ku joogo Laascaanood, halkaas oo uu uga qeybgalayo munaasabadda sannad-guurada koowaad ee maamulka Waqooyi Bari, isla markaana dowladda federaalku ka hirgelinayso adeegyo bulsho iyo mashaariic horumarineed.May be an image of one or more people, crowd and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here