Muqdisho – Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diirran loogu soo dhoweeyay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu uga bilaabay safar shaqo oo la xiriira xoojinta wada-shaqeynta Dowladda Federaalka Soomaaliya, saaxiibbada caalamka iyo Dowladda Koonfur Galbeed.
Hoggaamiyaha iyo wafdigiisa ayaa garoonka diyaaradaha waxaa ku soo dhoweeyay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday Dowladda Koonfur Galbeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada caasimadda.
Safarkan ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso xiriirka iyo iskaashiga ay la leedahay Dowladda Federaalka iyo saaxiibbada caalamiga ah, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshayaasha horumarineed iyo xoojinta dowladnimada.
Inta uu ku sugan yahay Muqdisho, Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa la filayaa inuu kulamo la yeesho madaxda sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo wakiillo ka socda dowladaha iyo hay’adaha taageera Soomaaliya.
Kulamadaas ayaa diiradda lagu saari doonaa adkeynta amniga, dardargelinta howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab, horumarinta adeegyada bulshada, xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha dowladda, hirgelinta mashaariicda horumarineed ee Koonfur Galbeed, iyo arrimo kale oo la xiriira horumarka iyo xasilloonida dalka.





