Pakistan – Wasiirka Gaashaandhigga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Axmed Macallin Fiqi, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Pakistan, ayaa maanta booqday xarunta Shirkadda Global Industrial & Defence Solutions (GIDS) iyo Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan.
Xarunta GIDS, Wasiirka iyo wafdigiisa waxaa ku soo dhaweeyay Madaxa Fulinta shirkadda, Asad Kamal, oo warbixin ka siiyay awoodaha shirkadda ee dhinacyada warshadaha difaaca, tiknoolajiyadda milatariga iyo xalalka casriga ah ee amniga. Intii ay kulanku socdeen, labada dhinac ayaa ka wada hadlay fursadaha lagu xoojin karo iskaashiga, horumarinta awoodaha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed iyo sidii Soomaaliya uga faa’iidaysan lahayd khibradaha iyo tiknoolajiyadda casriga ah ee Pakistan.
Wasiirka ayaa sidoo kale booqday Jaamacadda Difaaca Qaranka Pakistan, halkaas oo uu ku soo dhaweeyay Taliyaha jaamacadda, Sareeye Guuto Babar Iftikhar. Waxa uu halkaas kaga dhageystay warbixin ku saabsan doorka jaamacaddu ku leedahay waxbarashada sare ee difaaca, daraasaadka istaraatiijiyadeed, cilmi-baarista amniga iyo diyaarinta hoggaanka sare ee ciidamada.
Booqashada ayaa qayb ka ah dadaallada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku xoojinayso iskaashiga dhinacyada difaaca, tababarka iyo casriyeynta ciidamada, iyadoo laga faa’iidaysanayo khibradaha iyo awoodaha dalalka saaxiibka la ah Soomaaliya.
Wasiirka waxaa booqashooyinkan ku weheliyay Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya Pakistan, Sheekh Nuur Maxamed Xasan, iyo Taliyeyaasha Ciidamada Badda iyo Cirka.




