Muqdisho – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed (XDS), Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta soo xiray Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasillinta Soomaaliya (AUSSOM).
Shirka ayaa diiradda lagu saaray qorshaha la wareegidda mas’uuliyadda amniga dalka, qorshaha bixitaanka ciidamada AUSSOM, dib u xoreynta deegaannada ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, iyo dardargelinta dhismaha, tayeynta iyo casriyeynta Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.
Waxaa shirka ka qayb galay taliyeyaal iyo taliye ku-xigeenno ka socday dalalka taageera hawlgalka AUSSOM, wakiillo ka socday saaxiibbada caalamka iyo khubaro sare oo dhinaca milatariga ah. Intii uu socday kulanka, ka qaybgalayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo iyo talooyin ku saabsan xoojinta iskaashiga amniga iyo taageerada la siiyo Ciidanka XDS.
Shirka ayaa lagu soo gabagabeeyay qodobo lagu xoojinayo iskaashiga amniga iyo dardargelinta qorshayaasha lagu horumarinayo awoodda ciidamada Soomaaliyeed. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in hirgelinta qodobadaasi ay door muhiim ah ka qaadan doonaan xoojinta amniga, xasilloonida Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka.




