Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo la kulmay wafdi ka socday dalalka taageera AUSSOM

0

MUQDISHO, Soomaaliya – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socday Ciidamada Difaaca dalalka Itoobiya, Kenya iyo Uganda, kuwaas oo ka qeyb galay Shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca dalalka ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM) oo lagu qabtay Muqdisho.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada difaaca iyo amniga, iyo sidii loo sii horumarin lahaa wada shaqeynta u dhexeysa Soomaaliya iyo dalalka ciidamada ku taageera dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa uga mahadceliyay wafdiyada kaalinta ay dalalkoodu ka qaataan taageerada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo dadaallada lagula dagaallamayo kooxaha argagixisada.

Sarreeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud ayaa sheegay in iskaashiga dhow ee Soomaaliya iyo dalalka gobolka uu muhiim u yahay dhisidda awoodda ciidamada, xoojinta amniga iyo xaqiijinta nabad waarta.

Dhankooda, madaxda wafdiyada ka socday Itoobiya, Kenya iyo Uganda ayaa bogaadiyay martigelinta Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka, iyagoo xaqiijiyay inay sii wadi doonaan taageerada iyo iskaashiga amni ee ay la leeyihiin Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here