Muqdisho – Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa maanta hoggaamiyay munaasabad lagu shaaciyay natiijada Imtixaanka Shahaadiga ah ee Fasalka 8aad ee Dugsiyada Dhexe.
Munaasabadda ayaa lagu shaaciyay saddexda arday ee ugu sarreeyay imtixaanka, kuwaas oo kala galay:
Kaalinta 1aad: Sumayo Xasan Abshir Aadam
Kaalinta 2aad: Balqiisa Maxamed Cumar Maxamed
Kaalinta 3aad: Axmed Cabdinaasir Cabdullaahi Cabdi
Ardayda kaalmaha hore galay ayaa la guddoonsiiyay abaalmarinno isugu jiray dahab, kombiyuutarro Laptop ah iyo hadiyado kale, si loogu dhiirrigeliyo dadaalkooda waxbarasho iyo kobcinta aqoontooda.
Duqa Muqdisho, Dr. Xasan Maxamed Xuseen Muungaab, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardaydii ka qaybgashay imtixaanka, isagoo sheegay in waxbarashadu tahay tiirka aasaasiga ah ee horumarka bulshada iyo dhismaha jiil aqoon, karti iyo mas’uuliyad leh.
Waxa uu ardayda ku boorriyay inay sii laba-jibaaraan dadaalkooda waxbarasho, kana faa’iideystaan fursadaha loo abuurayo mustaqbalkooda. Waxa uu sidoo kale ballanqaaday in Maamulka Gobolka Banaadir uu si buuxda u dabooli doono kharashka waxbarashada dugsiga sare ee saddexda arday ee kaalmaha hore galay. Munaasabadda ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin heerar kala duwan, bahda waxbarashada, macallimiin, waalidiin iyo arday.





