Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed oo Ka Hor Yimid Doorashadii Guddoomiyaha Golaha Shacabka

0

Muqdisho – Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) ayaa si adag uga hor yimid doorashadii Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, oo ka dhacday xarunta Baarlamaanka.

 

Warsaxaafadeed uu Golaha soo saaray ayuu ku sheegay in muddo-xileedka dastuuriga ah ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya uu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, sidaas darteedna uusan hadda haysan sharciyad dastuuri iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub.

Golaha Mustaqbalka ayaa sidoo kale sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya uu muddo-xileedkiisu dhammaanayo, mana jirto, sida uu Golaha sheegay, awood sharci ah oo lagu kordhin karo muddo-xileedyada hay’adaha dowladda.

GMS ayaa Madaxweynaha ku eedeeyay inuu u dhaqaaqay doorasho aan waafaqsanayn shuruucda dalka, taas oo uu sheegay inay horseedi karto in la soo doorto hay’ad aan sharciyad buuxda haysan, isla markaana ay ka dhalan karto hannaan doorasho oo aan la isla oggolayn.

Golaha ayaa sidoo kale sheegay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah, balse loo baahan yahay heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay, kaas oo ay qayb ka yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadeed ee dalka.

Ugu dambayn, Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa ku adkeystay in “muddo-xileed dhammaaday uusan dhalin karin muddo-xileed cusub,” isagoo ku baaqay in arrimaha doorashooyinka iyo dhammaadka muddo-xileedyada lagu saleeyo dastuurka iyo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.May be an illustration of text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here