Itoobiya oo Eritrea ku eedeysay inay ku xadgudubtay madax-bannaanideeda

0

Addis Ababa – Safiirka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya, Suleymaan Daddafo, ayaa dowladda Eritrea ku eedeeyay inay ku xadgudubtay madax-bannaanida Itoobiya, kaddib markii uu sheegay in ciidamo Eritrean ah loo diray dhanka gobolka Tigray.

 

Safiirka ayaa sheegay in ciidamada Eritrea ay galeen dhulka Itoobiya, gaar ahaan gobolka Tigray, isagoo tallaabadaas ku tilmaamay xadgudub ka dhan ah madax-bannaanida iyo madaxbannaanida dhuleed ee Itoobiya.

“Eritrea waxay ku xadgudubtay madax-bannaanida Itoobiya, waxayna ciidamo hubeysan u soo dirtay dhanka xadka Itoobiya iyagoo galaya gobolka Tigray,” ayuu yiri Suleymaan Daddafo.

Safiirka ayaa sidoo kale sheegay in markii ciidamadaasi ay gaareen gobolka Tigray ay halkaasi kula kulmeen koox uu ku tilmaamay “mafiya”, oo uu sheegay inay isku diyaarinaysay inay dagaal la gasho Dowladda Federaalka Itoobiya.

Dhanka kale, Madaxweynihii hore ee Maamulka Ku-meelgaarka ah ee Tigray, ahna la-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Radda, ayaa sheegay in TPLF ay muddo bilooyin ah beenineysay inay sameysanayso isbahaysi ay la yeelaneyso dhinacyo gudaha iyo dibadda ah oo ka soo horjeeda dowladda Federaalka.

Getachew Radda ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabada TPLF ay ku sameysatay isbahaysiga uu sheegay inay la yeelatay kooxo ka soo horjeeda dowladda Itoobiya, isaga oo ku eedeeyay in ujeeddadu tahay in la afgambiyo dowladda Federaalka.

Hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada laga qabo xiisadaha siyaasadeed iyo amni ee ka jira waqooyiga Itoobiya iyo xiriirka muranka badan dhaliyay ee u dhexeeya Itoobiya iyo Eritrea.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here