MUQDISHO — Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Dib-u-dhiska iyo Guriyeynta Soomaaliya, Xildhibaan Ayuub Yuusuf, ayaa kulan la yeeshay ganacsato iyo maalgashadayaal ka kala socday Turkiga, Jabuuti iyo Suudaan oo danaynaya fursadaha maalgashi ee Soomaaliya, gaar ahaan dhismaha guryo qiimo jaban.
Wasiir Ayuub ayaa maalgashadayaasha uga warbixiyay fursadaha ka jira dalka, isagoo sheegay in wasaaraddu dhiirrigelinayso maalgashiga lagu dhisayo guryo qiimo jaban oo ay awoodaan inay iibsadaan qoysaska iyo shacabka Soomaaliyeed.
Wuxuu sidoo kale sheegay in wasaaraddu diyaar u tahay inay fududeyso shuruucda, habraacyada iyo adeegyada lagama maarmaanka u ah maalgashadayaasha si ay si hufan uga howlgalaan Soomaaliya ayna maalgelin ugu sameeyaan mashaariicda dhismaha iyo guriyeynta.
Dhankooda, ganacsatada iyo maalgashadayaasha ayaa sheegay in booqashadooda Soomaaliya ay qayb ka tahay qiimeynta fursadaha maalgashi ee dalka, gaar ahaan mashaariicda guryaha qiimaha jaban, iyo mashaariic kale oo horumarineed oo ay ku jiraan isbitaallo iyo iskuulo.



