Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil ay kooxo burcad Koonfur Afrikaan ah dalkaasi ugu geysteen muwaadin Soomaali ah oo ka mid ahaa Soomaalida ka ganacsata dalkaas.
Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Maxamed Gacal waxaana lagu hor toogtay goobtiisa ganacsi oo kutaal Xaafadda Belhar oo ka tirsan Magalada Cape Town ee Dalkaasi Koonfur Afrika.
Sidoo kale kooxaha burcadda ah ee dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, waxaana meydka Muwaadinka Soomaaliyeed la geeyay Isbitaalka Xaafadda Belhar ee Magaalada Cape Town, iyada oo la filayo in Galabta laβaaso.
Booliska ee magalada cape town ayaa sidoo kale tegay halka uu dilka ka dhacay, waxaana la sheegay inay wadaan howlo baaritaano ah oo la xiriira dilka muwaadinka Soomaaliyeed.
Koonfur Afrika ayaa waxa ay ka mid tahay dalalka lagu dhibaateeyo Soomaalida, waxaana dil iyo dhac loogu geystay boqolaal Soomaali ganacsato ah.