Puntland iyo Galmudug oo baaq u diray shacabka ku dhaqan gobolka Mudug

0

Guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Puntland Cabdiladiif Muuse Nuur iyo guddoomiyaha Gobalka Muduga ee Galmudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye Isxal, ayaa Ciidanka Daraawiishta Galmudug, kuwa dowlad gobaleedka Puntaland iyo ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ku amaanay kaalinta wanaagsan ee ay Ka qaateen la dagaalanka xoogaga Al-Shabaab.

Dhanka kale waxay bulshada ku booriyeen in aysan ka daalin doorka fiican ee ay ka qaadanayaan halganka loogu jiro la dagaalanka Al-Shabaab.

Maamulada  ayaa tilmaamay in ay haatan meel fiican marayaan olalaha la dagaalanka Al-Shabaab oo ay sheegeen in loo baahan yahay in adkeysi loo muujiyo muddada yar ee ka hartay in lasoo afjaro dagaalkaasi

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here