R/W Rooble oo war ka soo saaray qaraxii ka dhacay isgoyska Ceelgaabta

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo ka hadlay qaraxii xooganaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa Umadda Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay dadkii ku geeriyooday qaraxaas.

”Waxaan qoysaskoodii iyo Ummadda Soomaaliyeed ee ay ka bexeen uga tacsiyeynayaa  dadkii ku geeriyooday qaraxii argagixisadu maanta kula beegsadeen Muqdisho,” ayuu yiri Ra’iisal wasaare Rooble.

Rooble ayaashacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in la isu kaashado la dagaalanka Al-Shabaab, si looga hortegayo weerarada iyo qaraxyada ka dhacaya caaismada.

“Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyadana Allaha bogsiiyo,” ayaa markale lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Dadka dhintay ayaa waxaa ka mid ah Hibaaq Abuukar oo ka tirsaneyd xafiiska ra’iisul wasaaraha, gaar ahaan dhanka Haweenka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here