Farmaajo oo ka tacsiyeeyey geerida dadkii ku dhintay qaraxii Ceelgaabta

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Soomaaliyda, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) ayaa war kasoo saaray qarixii is-miidaaminta ahaa ee maanta ka dhacay magaalada Muqdisho, isaga oo ka tacsiyeeyey dadkii ku dhintay qaraxaasi.

Halkan hoose ka aqriso:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay ka geeriyoodeen Muwaadiniintii ku shahiiday qaraxii bahalnimada ahaa ee argagixisadu ay maanta ka fuliyeen magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay isku duubni, wadajir iyo sii joogteynta la shaqeynta laamaha ammaanka, si looga guuleysto cadawga arxan laawayaasha ah ee caadeystay gumaadka iyo daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.

“Innaa Lillaahi wa innaa Ilayhi raajicuun. Qaraxan argagixisadu ay maanta ku xasuuqday shacabka birimagaydada ah waxa uu muujinayaa yoolkooda foosha xun ee salka ku haya in ay meel kasta ku gumaadaan dadkeenna iyo sida ay nolol iyo xasillooniba ugu diiddan yihiin shacabka Soomaaliyeed.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Alle uga baryey muwaadiniintii ku geeriyooday qaraxan bahalnimada ah in uu hoygooda ka yeelo Jannatul Firdowsa, kuwa kale ee ay dhaawacyadu ka soo gaareenna uu Eebbe u boogo dhayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here