A/Madoobe oo uga mahadceliyey golaha wakiilada ansixinta xukuumadda cusub

0

Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, ayaa Golaha Wakiilada uga mahad celiyay sida aqlabiyada leh ee ay u meel mariyeen Xukuumada Cusub.

Axmed Madoobe ayaa tilmaamay in howlo waa weyn ay horyaalan Xukuumadan oo ay kamid yihiin hormarinta dhaqaaha, shaqo abuurka dhalinyarada iyo maamul dadaajinta isagoo xusay inay howlahaas oo dhan iyo kuwo kalaba door Wanaagsan ka qaadanayaan dardar galinta shaqada ay tahay in xukuumadu ay ku qabato mustaqbalka dhow iyadoo kaashanaysa Bulshada Jubaland.

Sidoo kale wuxuu intaas ku daray in isla xisaabtanka iyo hubinta in Wasaaradahu ay shacabka ugu adeegaan sidii la rabay ay noqonayso arin mudnaan gaar ah leh si loo gaaro himilooyinka shacabka ree Jubaland ee dhismaha Dowladnimo u adeegta danahooda.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa gaba gabadii gudoonka Golaha iyo Xildhibaanadaba ku amaanay sida ay u fududeeyeen in howlahaas baaxada leh ay Xukuumadan Cusub guda gasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here