Aadan Madoobe iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo daahfuray imtixaanka garsoorayaasha Koonfur Galbeed

0

Baydhabo – Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, iyo Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe), ayaa si wadajir ah u daahfuray imtixaanka garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

 

Munaasabadda daahfurka imtixaanka oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, ayaa waxaa soo qabanqaabisay Wasaaradda Cadaaladda ee maamulka Koonfur Galbeed.

Imtixaankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu tayeynayo bahda garsoorka, kor loogu qaadayo aqoonta iyo kartida garsoorayaasha iyo xeer-ilaaliyeyaasha, isla markaana lagu xoojinayo hannaanka cadaaladeed ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ka qeybgalka Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka, Garyaqaan Ibraahim Iidle Sulaymaan, ayaa muujinaya taageerada hay’adaha garsoorka federaalka ay siinayaan horumarinta nidaamka cadaaladda ee dowlad-goboleedyada iyo dhismaha hannaan garsoor oo hufan, ku dhisan caddaalad iyo isla-xisaabtan.

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare oo munaasabadda ka hadlay ayaa sheegay in caddaaladdu ay tahay tiirka dowladnimada iyo ilaalinta xuquuqda muwaadiniinta, isaga oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la helo garsoorayaal iyo xeer-ilaaliyeyaal leh aqoon, karti iyo hufnaan shaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here