Aadan Madoobe oo kulan la qaatay Safiirka Sacuudiga, laguna xoojiyay iskaashiga labada dal

0

MUQDISHO — Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa maanta xafiiskiisa kulan miro-dhal ah kula qaatay Safiirka Boqortooyada Sucuudi Carabiya u fadhiya Soomaaliya, Danjire Axmed Bin Maxamed Almowallad.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka taariikhiga ah iyo iskaashiga walaaltinimo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya, gaar ahaan dhinacyada taageerada hay’adaha dowliga ah, horumarinta Baarlamaanka, iyo iskaashiga arrimaha siyaasadda iyo horumarka.

Safiirka Dowladda Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya ayaa bogaadiyay dadaallada Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Baarlamaanka Soomaaliya ee ku aaddan dhismaha hay’adaha sharci-dejinta, wuxuuna xaqiijiyay in Dowladda Sucuudiga ay sii xoojin doonto taageeradeeda ku aaddan horumarka, xasilloonida, iyo dib-u-dhiska Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa uga mahadceliyay Dowladda Sucuudiga doorka ay ka qaadato taageerada Soomaaliya, isagoo si gaar ah u xusay kaalinta ay ku leeyihiin gargaar bani’aadanimo, horumarinta adeegyada bulshada, iyo garab istaagga dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

Kulanka ayaa ku soo dhamaaday is-afgarad iyo ballan-qaad ku aaddan sii wadidda wada-shaqeyn dhow oo labada dhinac ah, taas oo dan u ah labada dal iyo shacabkooda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here