Baydhabo, Soomaaliya — Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa kulan isugu jiray qado sharaf iyo sagootin ugu sameeyey Aqalka Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo, Taliyihii hore ee Qaybta 3-aad ee Ciidanka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), Brigadier General Teklu Hurisa Janka.
Kulanka ayaa ahaa mid lagu sagootinayey Taliyihii hore ee Qaybta 3-aad, iyadoo Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe uu uga mahadceliyey adeegii iyo dadaalkii uu muddadii uu xilka hayey ku bixiyey xoojinta amniga, xasilloonida iyo wada-shaqeynta u dhexeysay ciidamada AUSSOM iyo hay’adaha amniga Dowladda Koonfur Galbeed.
Sidoo kale, Hoggaamiyaha Koonfur Galbeed ayaa soo dhoweeyey Taliyaha cusub ee Qaybta 3-aad ee AUSSOM, Brigadier General Hashim Mohammed Chikula, isagoo u rajeeyey inuu si wanaagsan u gudan doono waajibaadka loo igmaday, isla markaana uu sii xoojin doono wada-shaqeynta ka dhexeysa AUSSOM iyo Dowladda Koonfur Galbeed.
Kulanka ayaa sidoo kale looga hadlay muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga dhinacyada amniga, ilaalinta nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed, iyo sii wadidda dadaallada lagu taageerayo ciidamada Soomaaliyeed ee ka howlgala deegaannada Koonfur Galbeed.
Kulanka waxaa sidoo kale ka qeybgalay Wasiirka Xannaanada Xoolaha ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Xuseen Maxamed (Eelay), Wasiirka Amniga, Wasiirka Batroolka, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed.





