Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Fawziya Abikar Nur ayaa maantay goob-joog ka aheed xaflada xilwareejinta agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka.
Xafladda Xilwareejinta ayaa ka dhacday maanatay oo ah Talaado taariikhdu tahay 8 Jun 2021 Xarunta Wasaaradda Caafimaadka waxaa xafladda goobjoog ka ahaay Wasiirka caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macalin iyo Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, xafiiska Hantidhowrka Qaranka, Guddiga Shaqaalaha Reyidka Qaranka, Agaasimyaasha waaxyaha Wasaaradaa Caafimaadka , Isbitaaldda Dowlada, iyo Kuwa Gaarka loo leeyahay.
Wasiirka Caafimaaddka ayaa si rasmi ah xilka ugu kala wareejisay Kusimhii hore ee Xilka Agaasimah Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamad Cabdulqadir Xirsi iyo Agaasimaha guud ee xilka la wareegay Dr. Cabdinasir Mukhtaar Ibraahim.