Agaasimaha cusub ee wasaaradda caafimaadka oo xilka la wareegey

0

Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr Fawziya Abikar Nur ayaa maantay goob-joog ka aheed xaflada xilwareejinta agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka.

Xafladda Xilwareejinta ayaa ka dhacday maanatay oo ah Talaado taariikhdu tahay 8 Jun 2021 Xarunta Wasaaradda Caafimaadka  waxaa xafladda goobjoog ka ahaay Wasiirka caafimaadka iyo Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Dr. Axmed Xuseen Macalin iyo Masuuliyiin ka socotay Xafiiska Madaxweynaha, xafiiska  Hantidhowrka Qaranka, Guddiga Shaqaalaha Reyidka Qaranka, Agaasimyaasha waaxyaha Wasaaradaa Caafimaadka , Isbitaaldda Dowlada, iyo Kuwa Gaarka loo leeyahay. 

Wasiirka Caafimaaddka ayaa si rasmi ah xilka ugu  kala wareejisay Kusimhii hore ee Xilka Agaasimah Guud ee Wasaaradda Caafimaadka Mudane Maxamad Cabdulqadir Xirsi iyo Agaasimaha guud ee xilka la wareegay Dr. Cabdinasir Mukhtaar Ibraahim.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here