Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka oo kulan la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha Wasaaradda

0

Muqdisho – Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Batroolka iyo Khayraadka Macdanta ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Xaashi Carabeey, ayaa shir shaqo la yeeshay agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee Wasaaradda.

 

Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista waxqabadkii Wasaaradda ee sannadka 2026, qiimeynta hawlaha qabsoomay iyo diyaarinta qorshaha shaqo ee sannadka 2027. Agaasimayaasha waaxyaha ayaa soo bandhigay warbixinno ku saabsan hawlaha ay qabteen, heerka fulinta qorshayaashooda iyo mudnaanta shaqo ee sannadka soo socda.

Dhankiisa, Agaasimaha Guud ayaa agaasimayaasha la wadaagay warbixin ku saabsan shirarkii iyo kulamadii heer qaran iyo heer caalami ee uu ka qeybgalay, natiijooyinkii laga gaaray iyo fursadaha iskaashi ee Wasaaradda u soo kordhay.

Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ayaa soo xiray shirka, isagoo faray agaasimayaasha in la dardargeliyo diyaarinta iyo fulinta qorshayaasha shaqo ee 2027, isla markaana ku dhiirrigeliyey inay laba jibaaraan dadaalkooda, xoojiyaan wada-shaqeynta iyo hufnaanta shaqada si loo gaaro yoolalka Wasaaradda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here