Agaasimihii isbitaalka Digfeer oo laga ceyriyay dalka, kuna laabtay Turkiga

0

MUQDISHO (SMN) – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cali Xaaji Aadan ayaa sheegay in dalka laga eryay agaasimihii isbitaalka Digfeer ee magaalada Muqdisho, kaas oo dhalasho ahaa ka soo jeeday dalka Turkiga.

 

Wasiirka ayaa ku eedeeyay agaasimaha inuu sameeyay ku takrifal awoodeed, sidoo kalena uu la shaqeyn waayay wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya.

Cali Xaaji ayaa tilmaamay in dacwado dhowr ay ninkan ka soo gudbisay agaasime ku xigeenka isbitaalka oo ah gabar Soomaali ah, sidoo kalena wakiil u ah wasaaradda.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay la fariisteen agaasimaha, isla-markaana ay la wadaageen khaladaadka laga tirsanayo, balse uu ka dhaga adeegay, kadibna ay ku wargeliyeen wasaaradda caafimaadka ee Turkiga oo markii hore usoo dirtay Muqdisho.

Wasiirka ayaa sidoo kale xaqiijiyay in sarkaalkan caafimaad uu shalay ka baxay gudaha dalka, isla-markaana uu ku laabtay waddanka Turkiga, maadaama uu tilmaamay inuu la shaqeyn waayay dowladda federaalka Soomaaliya, gaar ahaan wasaaradda caafimaadka.

Isbitaalka Digfer oo loogu magac daray Recep Tayyip Erdoğan ayaa waxaa gacanta ku haysa dowladda Turkiga, balse waxaa si wadajir ah u maamula wasaaradda caafimaadka Soomaaliya iyo wasaaradda caafimaadka dalkaasi oo iyagu soo magacaaba xubnaha maamulka isbitaalkan oo kamid ah isbitaallada waa weyn ee ku yaal magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here