Ahlu Sunna oo markale dagaal rogaal celis ah ku qaaday Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in galabta ay mar kale dib ay u soo rogaal celiyeen xoogagga Ahlu-sunna islamarkana uu dagaal culus ka dhacay.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Guriceel ayaa sheegay in ay Ahlu-suna dib u qabsadeen gobihii dagaalkii saaka looga qabsaday.

Ciidamada Ahlusunna ayaa la sheegay in imika qeyb ka mid ah magaalada ay joogaan, halka kuwa dowladana ay magaalada dhinaca kale ka joogaan.

Sidoo kale wrarka ayaa intaa ku daraya in khasaaro xooggan uu ka dhashay dagaalka galabta mar kale ka qarxay degmada Gurieel.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here