Al-Shabaab iyo ATMIS oo madaafiic isku weydaarsaday degmada Qoryooley

0

QORYOOLEY (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday madaafiic oo ay xalay saq-dhexe Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Uganda ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS ku leeyihiin degmada Qoryooley ee gobolka Sh/Hoose.

 

Weerarka ayaa lagu ekeeyay xero ciidan oo ku taalla dhanka koonfureed ee degmadaasi, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale ciidamada ATMIS, gaar ahaan kuwa Uganda ayaa dhankooda madaafiic ugu jawaabay Al-Shabaab, taas oo uga sii dartay xaaladda.

Ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee soo kala gaaray labada dhinac, mana jiro wax war ah oo ay kasoo saareen weerarkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ciidanka dowladda iyo kuwa Uganda ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan duleedka degmada Qoryooley.

Maalmo ka hor ayay aheyd markii weerar khasaare badan dhaliyay ay Al-Shabaab ku qaadeen saldhig ay ciidamada Uganda ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-Mareer oo ka tirsan isla gobolka Shabeelaha Hoose oo hoostaga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here