Ciidamo gadoodsan oo hakad-geliyay dhaq-dhaqaaqa degmada Buulo-burde

0

BUULO-BURDE (SMN) – Wararka laga helayo Hiiraan ayaa sheegaya in maanta xaalad kacsanaan ah laga dareemayo degmada Buulo-burde ee gobolkaasi, kadib markii ay magaalada isku ballaareen ciidamo ka gadoodsan mushaar la’aan, kuwaas oo ka tirsan booliska Buulo-burde.

 

Ciidamadan oo wata gaadiidka dagaalka ayaa lagu arkay bartamaha degmada, waxayna sheegeen inay ka cabanayaan mushaar la’aan saddex bilood ah oo soo wajahday.

Sidoo kale ciidamada ayaa hakad galiyay dhaq-dhaqaaqa gaadiidka iyo ganacsiga magaalada Buulo-burde, taas oo sii adkeysa xaaladda ka jirta halkaasi.

Isgaarsiinta ayay sidoo kale ciidamadu hawada ka saareen, inkastoo mar dambe dib loo soo celiyay adeegga isgaarsiinta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana lagu soo warramayaa in ay howlgallo wadaan ciidamada ammaanka ee ka howlgala degmadaasi.

Taliyaha Booliska Buulo-burde oo lagu magacaabo Cabdi Cumar Cali oo la hadlay Shabelle ayaa sheegay in ciidamada gadoodka sameeyay ay yihiin 10 askari, isla-markaana ay soo qaban doonaan, si loogula xisaabtamo dhibaato u sheegay inay u geysteen shacabka.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray inay geyn doonaa maxkamad, si looga qaado tallaabo sharciga waafaqsan.

Buulo-burde ayaa kamid ah degmooyinka ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama weli dhaq-dhaqaaqyo ka socdaan gobolka Hiiraan.

Gadoodka ciidamada ayaa marar badan soo laa laabtay, waxaana ka dhasha saameyn soo gaarta shacabka, maadaama inta badan la xiro isku socdka, gaadiidka iyo ganacsiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here