Shabaab oo la sheegay in ay heshay hub ay ku duqeyn karto garoonka Muqdisho.

0

MUQDISHO (SMN) – Madaxweynaha Uganda Yoweri Museveni ayaa sheegay in Al-Shabaab uu u gacan-galay hub culus oo noocyo kala duwan isagu jira kadib weerarkii 26kii May ay ku qaadey saldhiga ATMIS ee degaanka Bulo-Mareer oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

 

Wuxuu Madaxweyne Museveni tilmaamay in hubka saldhiga yaallay oo dhan ay la wareegtay Al-Shabaab, isagoo ka digay in kooxda ay u adeegsato weeraro argagaxiso, oo lala eegto xarumo muhiim ah iyo diyaaradaha hawada jooga hoose ku duulaya.

Qubarada amniga waxay aaminsan yihiin in Al-Shabaab ay toogan karto diyaarad walba oo ku duulaysa waxii ka hooseeya 25,000 oo feet hawada sare.

Hubka maanta haysato Al-Shabaab waa uu ka badan yahay midkii sanadkii hore gacanteeda ku jiray.

Kooxda ayaa fulinaysa weeraro istaraatiijiyadeed oo ku qaadayso saldhigyada military si ay hub badan u hesho, iyadoo midka sanadkaan heshay 3 jibaar ka badan yahay midkii sanadkii hore.

Qoryaha lidka diyaaradaha, RBG-yo, iyo kuwa kale oo meelo fog wax ka toogto ayaa la sheegay inay kamid yihiin hubkii Al-Shabaab kala baxday saldhiga Buulo-Mareer, oo 110Km koonfur uga beegan Muqdisho halkaasoo ka dhacay weerar lagu tilmaamay midii ugu waynaa oo lagu qaado Ciidanka Midowga Africa tan iyo markii dalka yimaadeen 2007-dii.

Ciidanka ku sugnaa saldhiga waxaa lagu qiyaasay 100 illaa 200 inay gaarayeen, waxaana ka badbaaday tiro aad u yar, iyadoo inta kale ay ku dhinteen.

Madaxweyne Museveni wuxuu xaqiijiyay 54 Askari dhimashadooda halka Al-Shabaab sheegatay 137 inay gaarayeen ciidanka ay weerarka ku dishay.

Al-Shabaab ayaa sare u qaaday mudooyinkii dambe weerarada Soomaaliya iyo Kenya, waxaana jira digniino in kooxda bartilmaameedsato diyaaradaha kusoo dega ama ka duula Garoonka Muqdisho.

Waxay soo badhigtay hubkii iyo gadiidkii dagaalka ee ugu dambeeyay ee ay ku qabsatay weeraradii Masagaway iyo Buulo-Mareer.

Museveni wuxuu qiray in askartiisa ay argagaxeen markii qaraxyada ka dhaceen afaafka saldhiga kadibna ay dagaalami waayeen, taasoo keentay in laga adkaado.

Labo sarkaal ayaa loo xiray fashilka, kuwaasoo la sheegay inay askarta ku amreen inay cararaan halka ay iska caabin lahaayeen weerarka.

Dhanka kale, Warar maalmahan soo baxayay ayaa sheegaya in diyaaradaha qaar ay diideen in jihooyinka qaar ee Garoonka Aadan Cadde ay kasoo degaan, iyagoo walaac dhanka amniga muujiyay. Waxaa la sheegay in diyaarad rakaab waday ay dhawaan ka laabatay hawada Muqdisho. Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dowlada oo ku aadan arintan.

Al-Shabaab oo wajahaysa duulaan dhinacyo badan oo duqeymaha Mareykanka ay ku jiraan ayaa laga saarey tan iyo August 2022 ugu yaraab 80 goobood intii uu socday wajiga 1aad ee howlgalka, sida dowlada ay sheegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here