Al-Shabaab oo la wareegay deegaan ku yaalla duleedka Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya ayaa sheegaya in saacadihii lasoo dhaafay dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay la wareegeen deegaanka Ceeldheere oo hoostaga magaalada Dhuusameereeb.

Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galeen deegaanka, kadibna ay qaraxyo ku burburiyeen xarumihii maamulka iyo kuwa ciidamada ee ku yaallay halkaasi.

Sidoo kale Al-Shabaab ayaa shacabka isugu yeeray inay isugu soo baxaan goob fagaare ah, iyaga oo halkaasi kula hadli doono dadka deegaanka.

Ceeldheere ayaa 30 KM qiyaastii u jira magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda dowlad goboleedka Galmudug, waxaana horay ugu sugnaa ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here