Al-Shabaab oo markale Jubbada Hoose ku toogatay labo ruux + Magacyada

0

KISMAAYO (SMN) – Wararka ka imaanaya deegaanka Kamsuuma ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Al-shabaab ay markale shalay gelinkii dambe meel fagaare ah ku toogatay laba qof.

Fagaaraha lagu toogtay raggaas ayaa waxaa ku sugnaa xubno sar-sare oo ka tirsan Al-Shabaab iyo dadweyne kala duwan oo la’isugu yeeray halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa magacyadooda lagu kala sheegay Cabdullaahi Ooyow Mayaane oo 20 jir ahaa iyo Cabdullaahi Maxamad Faarax oo isna ahaa 24 sano jir.

Cabdullaahi Ooyoow ayaa Al-Shabaab ku eedeysay inuu faraxumeeyey wiil 5 sano jir ah, halka Cabdullaahi Maxamed isna lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa ciidanka Jubaland.

Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal toogasho ah ka fuliso deegaanada ay ka arrimiso ee ku yaalla koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here