Al-Shabaab oo weerar culus ka fulisay gudaha dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Dagaalyahano katirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay beegsadeen Ciidamada Booliska Kenya, gaar ahaan kuwa qaabilsan Howlgalada Gaarka ah.

 

Weerarka ayaa ka dhacay gobolka Waqooyi Bari ee ku yaalla xadka dalka Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah, iyadoo aan la shaacin wax badan oo ku saabsan dhacdadan oo ay baaritaano ku socdaan.

Ciidamada Kenya ee la weeraray ayaa ku sugnaa deegaanka Guba oo ku dhaw magaalada Mandheera. Khasaaraha weli lama oga balse wararka ayaa sheegaya in Askarta Kenyanka ah ay soo gaareen khasaare kala duwan.

Muddo bilo ah, Kooxda Howlgallada Gaarka ah ee Booliska Kenya ayaa si dhow ula shaqeyneysay Ciidamada Difaaca Kenya ee ku sugan xuduudka Kenya iyo Soomaaliya. Saraakiisha sarsare ayaa ku guuleystey in yareeyaan weerarada Al-Shabaab.

Dowladda Kenya ayaa aad uga shaqeynaysa Amniga Qaranka iyadoo la og yahay in Al-Shabaab ay weerarro ku qaadaan Ciidamada ammaanka. Saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay booliska iyo Militeriga Kenya ayaa la sheegay inay kahor tageen falal amni daro oo ka dhici lahaa gobolka.

Kenya ayaa ka dhacay weeraro culus tan iyo markii Ciidankeeda usoo dirtay Soomaaliya 2011, si ay Al-Shabaab ula dagaalamaan.

Dhanka xuduuda, Ciidanka KDF ayaa si dhow ula shaqaynaya ciidamada dowladda Soomaaliyeed ee lagu wado inay la wareegaan mas’uuliyadda amniga dhamaadka sanadkan, maadaama ay baxaan askarta Midowga Africa. Al-Shabaab ayaa laga digay inay ka faa’idaysato waqtiga kala-guurka.

Ciidamada ATMIS ayaa dhawaan wareejiyay saldhigyo ay ku sugnaayeen, taasoo qeyb ka ah wajiga 3aad ee dhimista tirada askarta. Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in la reebo Ciidan yar oo ilaaliya xarumaha muhiimka sidoo kalena ka gacan siiya askarteeda xasilinta goobaha laga saarey Al-Shabaab. Codsigan oo Midowga Afrika ansixiyay ayaa sugaya inuu aqbali gollaha amaanka ee QM.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxyar kadib doorashadiisii 2022 ku dhawaaqay dagaal ballaaran oo ka dhan ah Al-Shabaab, kaasoo wajigiisa 1aad dowladdu sheegtay inay guulo ka gaartay, islamarkaana kula wareegtay degaano badan oo Galmudug iyo HirShabeelle ku yaalla, oo Xarardheere ay kamid tahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here