Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday deegaan hoostaga degmada Guriceel

0

GURICEEL (SMN) – Faahfaahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa weerar culus oo ay saaka Al-Shabaab ku qaadeen deegaanka Burijeed oo hoostaga magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

 

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu soo warramayaa in lagu beegsaday ciidamo ka tirsan kuwa Macawiisleyda oo saldhig ku leh halkaasi.

Ilo wareedyo lagu kalsoonayahay ayaa Idaacadda Shabelle u sheegay in weerarka kadib uu dhacay dagaal toos ah oo dhexmaray labada dhinac balse ma cada khasaaraha ka dhashay.

Ma jito weli wax hadal ah oo kasoo baxay Galmudug iyo saraakiisha ciidamada dowladda oo ku aadan dagaalkaaas iyo weerarka ka horreeyay.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here