Al-Shabaab oo weerar culus ku qaaday gudaha deegaanka Cowswayne

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in haatan dagaal culus uu ka socdo gudaha deegaanka Cowswayne oo ka tirsan gobolkaasi.

 

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ay Al-Shabaab weerar ku qaadeen deegaankaasi oo ay todobaadkii hore la wareegeen ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa dadka deegaanka.

Weerarka ayaa ku billowday qaraxyo, waxaana kadib xigay dagaal toos ah, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo xilkas ah.

Sidoo kale saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya ayaa sheegay inay ka hortageen weerarka, isla-markaana uu haatan dagaalka ka socdo duleedka Cowswayne.

Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkaas iyo weerarka ka horreeyay intaba.

Shalay ayey aheyd markii ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa deegaanka ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here