Sawirro: Axmed Madoobe oo maanta lagu soo dhaweeyay Dhuusamareeb

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) oo uu wehliyo madaxweyne ku xigeenka Mudane Cali Daahir Ciid ayaa garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Caasimadda Dhuusamareeeb kusoo dhaweeyay madaxweynaha Jubaland mudane Axmed Maxamed Islaam

 

Axmed Maxamed Islaam ayaa caasimadda Galmudug usoo gaaray si uu uga qayb galo shirka Madasha Wadatashiga Qaran oo ka furmi doona Dhuusamarreeb.

Madaxda horay u gaartay Dhuusamareeb waxaa kamid ah Ra’iisul wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo uu wehliyo Ra’iisul wasaare ku xigeenka wadanka, gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale, madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidoo kale madaxweynaha HirShabelle.

Sidoo , magaalada waxaa ku sugan Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud kaasi oo Hogaaminaya Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda Galmudug, iyadoo ciidamada Dowlada iyo dadka deegaanka ay hormaro balaaran ka sameeyeen howlgalka kuwaasi oo la wareegay gacan kuhaynta degmada Ceelbuur oo sanado badan ay maamulayeen Al-Shabaab.

Shirka golaha wadatashiga qaranka ee ka furmi doono Dhuusamareeb ayaa imaanaya xili dowlada Federaalka Soomaaliya Hormaro balaaran ay ka sameesay dagaalka ay kula jirto Al-Shabaab marka la eego Galmudug oo degmadii ugu muhiimsaneed ay kala wareegtay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here