Al-Shabaab oo weerar khasaare geystay ka fulisay gudaha dalka Kenya

0

NAIROBI (SMN) – Labo ruux ayaa la sheegay in dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay ku dileen weerar ay ku qaadeen degaan ku yaalla xeebta dalka Kenya.

Sida ay sheegeen booliiska Kenya waxay dagaalayahanada Al-Shabaab gubeen dhowr guri oo ku yaallay deegaanka uu weerarka ka dhacay oo lagu magacaabo Pandaguo oo katirsan degmada Lamu oo ku dhaw xadka Soomaaliya.

Dhulka howdka ah ee ku yaall aagga xadka Kenya iyo Soomaaliya iyo deegaanada ku dhow ayaa waxaa dhowr jeer oo hore ka dhaceen weeraro ay fuliyeen dagaalyahanno ka tirsan Al-Shabaab.

Booliska ayaa sheegay in kooxda weerarka soo qaaday ay kaoo duuleen tuulada Taa oo dhowr mayl u jirta goobta caanka ah ee loo dalxiis tago ee magaalada Lamu, waxaana ay si gaar ah u bartilmaameedsadeen guryo cayiman.

Guddoomiyaha gobolka xeebta John Ellungata ayaa sheegay in kooxaha weerarka soo qaaday ay habeennimadii soo weerareen tuulada balse ay iska caabiyeen ciidamada keydka ah ee booliiska Kenya kaddib markii ay israsaaseyn xooggan dhacday.

Weerarkan ayaa ku soo aadaya todobaad uun kadib markii rag looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen gaadiid ay wateen ciidamada Booliska Kenya, halkaasi oo ay ku dileen laba sarkaal iyo qof rayid ah.

Cilmi baaris ay sameeyeen hay’adaha ammaanka dowladda ayaa lagu sheegay in 30% dhibaatooyinka amni ee dalka ka jira ay ka soo jeedaan xuduudka Soomaaliya oo dhan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here