Al-Shabaab oo weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday ciidamada Burundi

0

JOWHAR (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in saaka Al-Shabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaaday saldhig ciidamada Burundi ee ka tirsan howlgalka ATMIS ay ku leeyihiin deegaanka Ceelbaraf ee gobolkaasi.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyey ciidamada Burundi iyo xoogaga Al-Shabaab ee weerarka ku qaaday halkaasi.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in dagaalka ay sidoo kale qayb ka ahaayeen ciidamada dowladda ee ku sugan duleedka degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe.

Inta la xaqiijiyey waxaa dagaalkaas ku dhintay 4 askari oo ka tirsanaa ciidamada milatariga Soomaaliya, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale la wareegtay gacan ku heynta saldhigga ay daganaayeen ciidamada Burundi, kadib markii dagaal looga saaray halkaasi.

Xaaladda ayaa weli ah mid aad u kacsan, waxaana dhaq-dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa gobolka Shabeelaha Dhexe ee dowlad goboleedka HirShabelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here