Al-Shabaab oo weerar ku qaaday deegaan hoostaga gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xalay dagaalyahanada Al-Shabaab weerar loo adeegsaday madaafiic ay ku qaadeen deegaanka Ceel-lahelay ee gobolkaasi.

 

Weerarka oo ah mid xoogan ayaa si weyn looga dareemay deegaankaasi oo dhawaan uun laga saaray xubnaha Al-Shabaab.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Xoogga dalka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay madaafiicda aysan gaysan wax khasaare ah, isla-markaana ay haatan wadaan howlgallo ay ku baadi goobayaan xubnihii ka dambeeyay weerarkaasi.

Al-Shabaab oo dhankeeda ka hadashay weerarkan waxa ay sheegtay inay duqeysay saldhigyo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin halkaasi, balse ma shaacin wac khasaare ah.

Gobolka Galgaduud oo dhaca bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa xilligan ka socdo howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here