AMISOM oo war kasoo saartay duqeyntii ay Kenya ka fulisay gobolka Gedo

0

Howlgalka nabad ilaalinta midowga Africa ee AMISOM ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray waxa uu uga hadlay duqeyn maalma kahor ciidamada Kenya ay ka fuliyeen gobolka Gedo.

AMISOM ayaa sheegtay in ay ka war heyso war-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee xukuumadda Soomaaliya,kaas oo ku saabsanaa duqeymaha gobolka Gedo.

Howlgalka AMISOM ayaa shaaca ka qaaday in uu ku howlanyahay isla markaana uu raadinayo akhbaarta la xiriirta weerarka, isla markaana dowladda Soomaaliya ay kala shaqeyn doonaan baaritaanka weerarka duqyenta ah.

Si kastaba ha’haatee AMISOM ayaa dhanka kale xustay in ciidamadeeda ay ka go’antahay gudashada waajibaadka howgalka ay u joogaan Soomaaliya,sidoo kalena ay qasab ku tahay howgalka in baaritaan uu ku sameeyo xad gudubyada ka dhan ah aadanaha ay ka geystaan ciidamada AMISOM .

Warka ka soo baxay AMISOM ayaa ku soo beegmaya xili maalma kahor diyaaradaha dagaalka ee Kenya ay weerar duqeyn ah ka fuliyeen gobolka Gedo, waxaana duqeyntaasi qasaaro dhimasho iyo dhaawac leh ay ka soo gaartay dad shacab ah oo isugu jiray haween iyo caruur.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here